Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalkaTurkiga.
Xassan shiikh ayaa halkaas kula kulmayo dhiggiisa Turkiga, Rajab Dayib Erdogaan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.
“Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia
Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA