Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay canshuur cusub oo ah 25% oo la saarayo la soo degista baabuurta iyo qalabka gaadiidka ee la geeyo dalka Maraykanka. Tallaabadan ayaa loogu yeeray mid dabka ku sii hurin karta dagaalka ganacsiga caalamiga ah.
Trump ayaa sheegay in canshuurtani cusub uu soo rogay ay hirgeli doonto 2-da bisha soo socoto ee Abriil, iyada oo uu go’aanku dhaqangal noqonayo maalinta xigta, waxa uuna sheegay in go’aankan uu ahaa mid ay falanqeeyeen kahor inta aan la gaarin.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku andacoonaya in tallaabadani ay dalka Maraykanka u horseedi doonto “kobac dhaqaale oo weyn” . Waxaana uu ballanqaaday in ay kobcin doonto shaqooyinka iyo maalgashiga gudaha Maraykanka.
Falanqeeyayaasha arrimaha dhaqaalaha ayaa ku doodaya in go;aankani laga yaabo in uu horseedo joojinta ku meel gaarka ah ee wax soo saarka baabuurta ee Maraykanka, qiimaha gawaarida oo sare u kaci kara iyo in uu carqaladeeyo xiriirka Maraykanka iyo xulafooyinkiisa.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com