Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo safar shaqo ugu baxay Dibadda iyo xog ku aadan ujeedka…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

 

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir oo shajo joojin lagu sameeyey

Caydiid Ali

Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay Masuul ka tirsan Maamulka degmada Garbaaharey

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Wafdi sare oo ka socday Hay’addo Caalami ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---