Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo buuxinaya kaalin weyn oo banneeysay dowladda Mareykanka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu joojiyay taageeradii iyo deeqihii ay bixin jirtay dowladda Mareykanka, gara ahaan kaalmadii la marsiin jiray hay’adda USAID oo dalal badan oo caalamka kuyaalla taageeri jirtay.

Dowladda Shiinaha, ayaa hadda iskudayaya inuu Mareykanka kala wareego saameynta dhaqaale iyo gargaarka bani’aadanimo oo la aaminsanyahay inay tahay waxa dhaliyay saameynta uu Mareykanka ku leeyahay dunidda daafaheeda.

Shiinaha ayaa diyaar u ah inuu beddelo aragtidaa, wuxuuna buuxinaya goobaha ay ka baxday hay’adda Mareykanka ee USAID , taa beddelkeeda Shiinaha ayaa bixinaya adeegyada gargaar iyo taageerrada dhaqaale ee ay dalalka siin jirtay USAID.

Dowladda Shiinaha, hadda wuxuu diiradda saaraya inuu ku hormaro dalalka Aasiya ee mashaariicda ay ka fulin jirtay USAID, waxaana dalalka lagu wargeliyay inay hay’adda gargaarka caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA),maalgelin doonto barnaamijyadii ay waday USAID ee maamulka Trump uu laalay, sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg.

Soomaaliya , ayaa kamid ah dalalka ay saameynta ku yeelatay joojintii Madaxweyne Trump hay’adda USAID, waxaana la filayaa in dowladda Shiinaha buuxin doonto taageeradii Soomaaliya siin jiray Mareykanka,  gaar ahaan dhinaca gargaarka bini’aadannimo.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsato Carbeed oo dooneysa in dalka Maal-gashadaan oo soo gaaray Muqdisho

Cabdi Cade

Sida loogu sirmay Jaamacadaha bixiya Shahaadooyinka bugta ah ?

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “Ma jirto illaa hadda deyn Somalia laga cafiyey oo la ogyahay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---