Ciidamada amaanka ee ka howlgala xaafada Gubta ee degmada Dayniile ,ayaa qabtay labo nin oo burcad ah , kuwaa oo la sheegay in dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayeen dad shacab ah oo ku dhaqan xaafado katirsan magaalada Muqdisho.
Burcadan ciidamada amaanka qabteen , ayaa la sheegay in ay wateen mooto nuuca Fekon loo yaqaan, waxa ayna raggan wateen biskoolad, baangado iyo biro ay ku dhibaateenayeen dadka shacabka ah ee waddooyinka uga horyimaada.
Ciidamada amaanka waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile ayaana qabtay labadan nin burcada ah ayaa ka helay telfoono iyo agabyo kale ay dad shacab ah kasoo dhaceen, waxaana burcadan loo gudbiyay saldhigga degmada Dyaniile.
Goobta burcadan lagu qabtay waxaa isugu soo baxay dadweyne badan oo soo dhaweenayay qabashada burcadan, waxa ayna ciidamada amaanka uga mahadceliyeen shacabka ku dhaqan Gubta sida ay gacanta ugu dhigeen raggan dhibaatada shacabka u geesnayay xilli Ramadaan ah.
Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya burcada hubeysan ee isticmaala mootooyinka, kuwaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesta dadka shacab ah, burcadan ayaana inta badan ka baxsada gacanta laamaha amaanka.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com