Xiisad siyaasadeed iyo cabsi dagaal, ayaa saakay ka taagan qeybo kamid ah dalka Koonfurta Sudan, kaddib markii ciidamada amaanka dalkaasi xalay weerar qorsheysan ku qaadeen guriga Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi Riek Machar.
Ciidamada weeraray guriga Riek Machar, ayaa ka sheegay in ay wateen 20 gaari oo nuuca gaashaaman ah , waxa ayna ciidamada hub ka dhigis ku sameeyeen ilaalada guriga joogtay, waxa ayna Madaxweyne kuxigeenka ula dhaqaaqeen ciidamada goob aan la shaacin.
War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Riek Machar, ayaa lagu cambaareeyay xariga xalay loo geestay hoggaamiyahooda , iyagoo sheegay inaysan garanayn halka la geeyay Machar, waxayna xarigiisa ku tilmaameen tallaabo xad-gudub ah.
Xarigga Riek Machar, ayaa dib usoo celiyay walaaca laga qabo dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa Koonfurta Suudaan, waxaa taagan cabsi laga qabo in mar kale isku dhacaan ciidamada taabacsan Madaxweynaha Koonfurta Sudan iyo kuxigeenkiisa hadda xiran.
Saaradda Mareykanka iyo safaaradaha kale qaarkood ayaa billaabqy inay shaqaalahooda kala baxaan Jubba, iyaga oo ka cabsi qaba in halkaasi ka bilowdo dagaal salka ku haya siyaasad iyo qabiil, waxaana arrimahan soo kordhay si weyn uga walaacsan ajaaniibta kunool dalka Sudan.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo saartay digniin la xiriirta in khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan uu sabab u noqdo dagaal burbur u horseeda Koonfurta Suudaan, waxaana loogu baaqay labada dhinac wada-hadal inay dhammeeyaan khilaafka.