Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa Al-Shabaab u fududeeya dib u qabsiga goobo laga saaray?

Al-shabaab ayaa maanta dib u qabsatay degaanka masaajidka Cali Guduud ee gobolka Sh/dhexe oo sanad iyo bar ka hor laga saaray ka dib weerar culus oo ay saaka waaberigii ku soo qaadeen.

Ciidamadii DF iyo kuwii degaanka ayaa isaga baxay degaanka ka dib weerarkaas, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaalo aad u qaraar oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Tani waxay muujinaysaa caqabadaha weli ka jira ammaanka iyo sugnaanta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab.

Waxay sidoo kale xoojinaysaa baahida loo qabo qorshe amni oo waara iyo joogteynta joogitaanka ciidamada dowladda si looga hortago dib u qabsashada Al Shabaab.

Haddii Al-Shabaab ay si sahlan ugu laaban karaan deegaanadii laga saaray, waxay muujinaysaa inay haystaan taageero xooggan oo gudaha ah, ama ugu yaraan dad deegaanka  oo aan si dhab ah ula shaqeynayn dowladda, taasoo fursad siineysa cadowga.

Sidoo kale waxaa macquul ah in ay jiraan xiriirro qoto dheer oo ka dhaxeeya dadka deeggaanka iyo Al-shabaab, waxaana laga yaabaa in dadka deeggaanka laga yaabo inay u arkaan Al-Shabaab kuwo ay danahooda ka helaan, ama ay leeyihiin xigto iyo qaraabo ku dhex jirta kooxda.

Si looga hortago dib u qabsashada Al-Shabaab, waa in la xoojiyo ammaanka deegaanada laga xoreeyay cadowga iyada oo la joogteynayo joogitaanka ciidamada, la dhisayo saldhigyo ciidan, lana horumarinayo sirdoonka.

Wacyigelinta bulshada waa lagama maarmaan si ay u fahmaan khatarta Al-Shabaab loona yareeyo taageerada gudaha. Sidoo kale, dadka deegaanka waa in la siiyo adeegyo nololeed iyo shaqooyin si aysan ugu nuglaan argagixisada. Culimada iyo warbaahinta waa inay ka hortagaan fikirka xagjirka ah, waa in la xoojiya ciidamada deegaanka si ay iskood isku difaacaan.

Guusha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxay ku xirnaan doontaa isku-darka amni, dhaqaale, iyo wacyigelinta bulsho.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in tabaha dagaalka ee ciidanka lagu daro xeeladaha dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ee Al shabaab ay ku howlgalaan, halkii ciidamadu ay xeryaha ku sugi lahaayeen cadowgii leyn lahaa.

Abdijabar Cali Maxamed 
Muqdisho Somalia

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Wada Qorshe Cusub & Ciidanka DF oo Qabiil U kala Saftay

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada,Qabiilada iyo xubnaha lagu bedelay Musharaxiinta Aqalka Sare ee Puntland

Cabdi Cade

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Kismaayo iyo Howlgalo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---