Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo ka farxiyey Maxaabiis ku xiran Kismaayo

MADAXWEYNAHA DOWLADDA JUBBALAND OO MUNAASABADA CIIDUL FIDRIGA AWGEED CAFIS U FIDIYAY 52 MAXBUUS.

UJEEDDO: CAFIS MADAXWEYNE

Tix-raac: XM/DGJS/102/2025

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam;

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad, Qodobka 67aad, Farqadiisa 10aad, oo siinaya Madaxweynaha awoodda cafiska maxaabiista.

Markuu arkay: Soo jeedinta Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Jubaland, oo sumaddeedu tahay XW/WCAD/DJ/027/2025, kuna taariikheysan 24 Maarso 2025.

Markuu arkay: Soo jeedinta Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland, oo sumaddeedu tahay XXG/DJ/059/2025, kuna taariikheysan 24 Maarso 2025.

Markuu tixgeliyey: Fadliga munaasabadda Ciidul Fidriga ee sanadka 2025, kuna beegan 1446H.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland wuxuu go’aamiyey:

Qodobka 1aad

Laga bilaabo maanta, 26 Maarso 2025, waxaa cafis guud loo fidiyey maxaabiista danbiyada fudud ku xukuman kuwaas oo tiradoodu tahay 52 maxbuus.

Qodobka 2aad

Cafiskan waxaa fulinaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland, iyadoo la raacayo liiska maxaabiista la cafiyey.

Qodobka 3aad

Wareegtadan waxay dhaqan-galaysaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo waana uu saxiixay.

DHAMMAAAD.

Related posts

Wariye Caan ah iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha Universal oo ku geeriyooday Qaraxyadii Muqdisho

Cabdi Cade

Coronavirus oo weeraray Aqalka cad ee Maraykanka (Masuulkii 2-aad oo laga helay)

Caydiid Ali

Puntland oo shaacisay in xogta dagaalka ay wadaan aysan ku aamini karin DFS sababo la xariira in…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---