Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo Markii 3aad ka soo laabtay jiidaha dagaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ku soo laabtay magaalada Muqdisho xilli Ciidamada Qaranka iyo kuwa Macawisleeyda ah ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha oo toddobaadkii hore u guuray furimaha dagaalka ayaa laba jeer oo hore dib uga soo laabtay si uu kulamo ula qaato Wasiir ka tirsan Dowladda Imaaraatka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Muqdisho booqasho ku yimid.

soo laabashada Madaxweynaha ayaa ku soo beegantay xili Al shabaab ay saaka weerar saf balaaran ah ku soo qaadeen kuna qabsadeen degaanka Masaajid Cali Guduud oo hoos taga degmada Cadale & Geel gub oo   50km u jira Cadale

ka soo bixida Cadale ee madaxweyne Xassan Shiikh oo aan faahfaahin laga bixin ayaa loo malaynayaa iney salka ku heyso dagaalka ku soo dhowaaday degmadaas markii la weeraray masaajid Cali Guduud

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa degmada Cadale waxaa uu kala duwan la soo yeeshay waxgaradka & ciidanka deegaanada Raagga Ceele & Cadale ee Shabeelaha Dhexe, oo uu kala hadlay sidii al shabaab loo ciribtiri lahaa, damacoodana loo beenin lahaa.

Dhinaca kale Taliyaha Ilaalada madaxweynaha G/le Dhexe Maslax Maxamed Maxamuud ayaa 3 maalin kahor deegaanka Masaajidka Cali Gaduud, geeyey saanad milateri xoogan iyo agabyo ciidan, si al shabaab loogula dagaalamo, sida warbaahinta dawladda laga sii daayay.

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada qarax lagu dilay Taliye Cawil Nuur Rooble

Cabdi Cade

Wararkii ugu danbeeyay ee Saraakiil Itoobiyaan ahaa ee Kismaayo tagay, Maxaaa laga diiday maxaase la hor dhigay o Axmed Madoobe!!

admin

(Daawo Sawirro) Milateriga DF oo degaan muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---