Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Sudan oo inta badan la wareegay Khartuum iyo sifeyn socota

Ciidanka milatariga dalka Sudan, ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen inta badan xaafadaha magaalada Khartuum, waxa ayna halkaasi milatariga ka saareen ciidankii kooxda gurmadka degdega ee loo yaqaan RSF.

HowlagAllo saacadihii lasoo dhaafay sameeyeen milatariga ayey kula wareegeen xarumo muhiim ah oo horey gacanta kooxda RSF ku jiray, waxa ayna milatariga hadda isku diyaarinayaan in si buuxda magaalada uga nadiifiyaan ciidamada kasoo horjeeda.

Afhayeenka ciidanka milatariga Suudaan, Sareeye Guuto Nabil Cabdallah Cali, ayaa ku dhawaaqay in ay milatariga Suudaan ka saareen saldhiggii u dambeeyay ee Khartuum ay ka joogeen kooxda RSF oo ah Taiba Al-Xasanab oo ka tirsan deegaanka Jabal Awliya.

Waxa uu intaa ku daray afhayeenka in ay ciidamada la wareegeen inta badan xarumihii muhiimka ahaa ee magaalada Khartuum ka joogeen ciidanka RSF, waxa uuna hadda xusay in socdaan howlgallo magaalada looga sifeenayo harAadiga RSF.

Ciidamada milatariga Sudan, ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka sameeyeen magaalada Khartuum, waxa ayna ciidamada la wareegeen madaxtooyada Sudan, garoonka diyaaradaha iyo goobo kale oo magaalada ka joogeen ciidamada RSF.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ahmadinejad oo laga reebay liiska Musharaxiinta Madaxweynaha cusub ee Iran

Caydiid Ali

Dowlad goboleedkii labaad oo ka soo horjeestay sharciga cusub ee doorashooyinka (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxay salka ku hayaan Dibed-baxyada Maalintii 4aad ka socda dalka Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---