Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Axmed oo Tigrey ka codsaday in ay keenaan Musharax Madaxweyne

Gobolka Tigrey ee waqooyiga dalka Itoobiya, waxaa xilligan ka jira khalalase u dhaxeeya maamulkii gobolkaasi dowladda Federaalka ku matelayay iyo sidoo kale siyaasiyiin caan ka ah gobolka saameyn xooggana ku leh.

Madaxweynihii maamulka Tigrey Gatechew Reda , ayaa isaga cararay magaalada Makelle ee caasimadad gobolka Tigreey, kaddib markii xafiisyadii uu ku shaqeenayay la wareegeen ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee gobolkaasi iyo saraakiil taabacsan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed , ayaa sheegay in xaalad nabdoon u wajahayo dejinta xiisadda ka taagan gobolka Tigrey, waxa uuna Abiy Axmed hadda raadinaya xal aan dagaal aheyn oo lagu soo afjaryo xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi.

Abiy Axmed, ayaa weydiistay dadka kunool gobolka Tigray inay soo magacaabaan murashax noqonaya madaxweynaha KMG ah ee gobolkaas, si meesha looga saaro xiisada siyaasadeed iyo khilaafyada soo laab laabtay ee mar kale abuuri kara colaad dhiig ku daato.

Maamulkii ka jira gobolka Tigrey ayaa hadda u kala jabay labo garab oo kala taabcasan Madaxweynihii hore ee maamulkaasi  Debretsion Gebremikael iyo Madaxweynaha hadda talada haya ee Gatechew Reda, waxaana hadda xafiisyada maamulka gacanta ku haya ciidamo mucaaradka taabacsan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:- Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe & Warar kale?

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo shaacisay Jadwalka imtixaanka dugsiyada Sare

Caydiid Ali

FBI_da Mareykanka oo xirtay nin qorsheynayey weerar halis ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---