Allbanaadir.com
NEWS

Dil maanta Garowe loogu geestay wiil kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, ayaa sheegaya in saakay halkaasi lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , kaa oo magaalada ka shaqeesanayay.

Askari ilaalo ka ahaa hoteelka Taleex ee magaalada Garowe ayaa dilay wiilkan oo lagu magacaabayay Mustafa Manuur oo  18-sano jir ahaa, wiilka la dilay ayaa la sheegay in uu ka shaqeyn jiray dhaqsita gaadiidka, waxaana xilliga la dilayay meel ku dhaw hotelka Taleex uu ku dhaqayay gaari.

“Nin ka tirsan ilaalada Hotel Taleex oo hubaysan ayaa marxuumka qori ku qabtay waxaana uu ku amray in uu joojiyo dhaqidda baabuurka haddana wuxuu markiiba ku furay tacshiirad waxaana meesha laga soo qaaday meydkiisa oo ay rasaas badan ka muuqato” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa goobta dilku ka dhacay.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo isbuuc gudihiisa magaalada Garowe loogu geesto qofkii labaad ee kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed, habeenno kahor ayaa askari katirsan ciidamada Puntland isna Garowe ku dilay wiil timojare ahaa oo kasoo jeeday Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo abaalmarino gudoonsiiyey Orodyahano guulo Qaran soo hoyay (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo ka carootay in Garoonka Joma Kenyatta lala bar bardhigo kuwa Soomaaliya

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu yahay Ololaha cusub ee uu Wasiir Fiqi ka wado Wasaaradiisa?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---