Allbanaadir.com
NEWS

Afganistan iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiisyo muhiim u ah labada dal

Maamulka Taalibaan ee gacanta ku haya talada dalka Afgaanistan, ayaa bilaabay dedaalo ay ku hormarinayaan dalkaasi, waxa ayna heshiisyo la galeen qaar kamid ah dalalka caalamka, si ay uga faa’iideestaan wax-soosaarka beeraha Afganistan.

Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga Afgaanistaan, Nuuruddin Azizi iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Afgaanistaan,Zhao Xing, ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim u ah labada dal, kuwaa oo bilaabaya is dhaafsiga wax-soosaarka labada dal.

Heshiiyada ay kala saxiixdeen dowladaha Afganistan iyo Shiinaha, ayaa waxaa kamid ah in ay ganacsatada Afgaanistaan u dhalatay u dhoofin karaan dalka Shiinaha wax-soosaarka beeraha iyo macdanta , si ay dhaqaalo uga sameeyaan.

War-saxaafadeed lasoo saaray heshiiska Afganistan iyo Shiinaha kaddib, ayaa la sheegay  in la dhisayo guddi fududeynaya is dhaafsiga ganacsiga ee faa’iidada wadajir ah oo ay Afgaanistaan ku helayso ilo dhaqaale oo waxtar ah iyo inay Shiinaha si fudud uga soo dhoofsan karto mashiinnada warshadaha.

Kooxda Taalibaan , ayaa tan iyo markii talada dalka Afganistan la wareegtay ku dhawaaqday is beddelo badan, waxa ayna heshiisyo la galeen dowlado howr ah oo hadda safaarado ku leh magaalada Kabul, waxa ayna Taliban hadda ciyaareysaa siyaada furfuran , si dalkaasi horumarkiisa uga shaqeyso.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Garoon loogu magac daray Aasaasihii Calanka Somalia oo dhismihiisa la bilaabayo (daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Rag qaraxyo la beegsaday Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dilo iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---