Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyay Duqeyntii xalay Mareykanka ka fuliyay Calmiskaad

Maamulka Puntland oo qoraal kooban soo saartay ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo culus xalay lagu garaacay togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin firxadkii dagaallamayaasha argagixisada Daacish ee baxsadka ah.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland ayuu ku xaqiijiyay duqeynta diyaaradeed ee xalay ka dhacday togga Miiraale, taasi oo ay fulisay dowladda Mareykanka islamarkaana lagu beegsaday firxadka mileeshiyaadka argagixisada Daacish ee ku go’doonsan toggaasi.

Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lala helay bartilmaameedyo sax ah, oo ay isku urursanayeen mileeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo dhaca bartamaha togga Miiraale, halkaasi oo ay dhawaanahan sahan dhammaystiran ku sameeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (Drones-ka).

Wararka ayaa sheegaya in dhawaqa duqeyntaasi oo ahayd mid aad culus laga maqlay degaanno masaafo dheer ka baxsan togga Miiraale, inkastoo aan weli xog faahfaahsan laga helin khasaaraha mileeshiyaadka Daacish ka soo gaaray duqeyntaasi

Diyaaradaha dagaalka dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa marar badan duqeymo culus ku garaacay qeybo kamid ah buuraha Calmiskaad oo ay ku dhuumaaleesanayaan xubno katirsan hoggaanka iyo dagaalyahannada kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaafad ku taalla Qarka Buuraha oo dad badan soo jiidatay (Daawo Sawirrada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni oo gaaray Gaalkacyo iyo Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Soomaaliya ma waxay wajihi doontaa dagaal lamid midka Ukraine ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---