Sacuudiga ayaa qorsheynaya inuu Turkiga u wakiisho ilaalinta mashruuca mustaqbalka uu doonayo Sacuudiga inuu ku hoggaamiyo dhaqaalaha khaliijka ee NEOM, halkaa oo lagu ilaalin doono nidaamyada difaaca Turkiga ee ay soo saarto shirkadda Aselsan, iyadoo go’aankan uu muujinayo sida uu Sacuudiga si taxaddar leh ula jaanqaadayo isbeddellada gobolka iyo caalamka iyo tallaabo uu mashruuc difaac oo balaayiin doollar ah Sacuudiga ku siinayo Turkiga, sida ay daahqaaday warbaahinta fadhigeedu yahay Faransiiska ee xogaha sirdoon soo bandhigta ee Intelligence Online.
Horey , Sacuudiga wuxuu u maalgashaday mashruuca lagu dhisayo diyaaradda uu Turkiga soo saarayo ee TAI Kaan oo au diyaarad jiilka shanaad oo noqonaysa diyaaradda ugu awoodda sarreysa ee waddan Muslim ah uu soo saarayo, halka Sacuudiga uu noqonaya dalka diyaaradan tirada ugu badan iibsanaya oo gaaraysa 100 diyaaradood oo TAI Kaan; waddanka ku soo xiga ee dalabkiisa gudbiyay waa Malaysia.
Muxuu yahay mashruuca NEOM ee Turkiga uu ilaalin doono?
Mashruuca Neom, waa magaalo qorshaysan oo Sucuudigu ka dhisayo gobolka Tabuuk. Mashruucan oo uu soo billaabay sannadkii 2017-kii dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga,Maxamed Bin Salmaan, ayaa ku taal cidhifka waqooyi ee Badda Cas, gaar ahaan dhanka bari ee Masar oo kaga beegan gacanka Aqaba iyo koonfurta Jordan.
Bedka la qorsheeyay ee Neom waa 26,500 km². Mashruucan ayaa isugu jira ; dhisme warshadeed oo sabeynaya, xarun ganacsi oo caalami ah, goobaha dalxiiska, iyo magaalo toosan (Linear city) oo laga hirgelinayo ilo tamar la cusboonaysiin karo.
Qiyaasta kharashka mashruuca ku baxaya ayaa kor u dhaafaya $8.8 trillion (in ka badan 25 jeer miisaaniyad sanadeedka Sucuudiga).
Sacuudiga ayaa sheegay in mashruuca NEOM uu abuuri doono ku dhawaad 460,000 shaqo ayna ku dari doonto wax lagu qiyaasay $48 bilyan wax soo saarka Sacuudiga.
W/Q Iman Jamac
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com