Dayuurado dagaal aya caawa gantaalo culus ku garaacay xoogag taabacsan kooxda Daacish oo ku sugnaa qeybo ka mid ah Buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari
Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in duqeynta caawa ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan xeebaha Somalia
“Duqeyn caawa ka dhacday Miiraale-Calmiskaad, waxaa lala beegtay firxadka Argagixisada Daacish, duqeynta waxa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay howlgalka.
Sida wararku sheegayaan duqeymahan ayaa ka dhacay Toga Miraale, Taliska Miraale & Ceelka Miraale oo dhamaantood ka tirsan buuraha Calmiskaat
Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlayey aagaga la duqeeyey ee ku teedsan Togga Miiraale, waxaana sidoo kale la arkayey hilaac iyo uuro ka baxaya goobaha la duqeeyey.
“Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland iyo saraakiisha Mareykanka midkoodna wax faahfaahin ah kama bixin sida ay duqeymahaas u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.