Maamulka Trump , waxay doonayaan wax kasta oo kharash uga baxa la-dagaallanka Xuutiyiinta inay ka qaadaan Masar, Sacuudiga iyo reer Yurub, sida laga arkay wada-hadalka ay fadeexada ka dhalatay ee uu soo bandhigay tafatiraha wargeyska Atlantic, Jeffrey Goldberg oo si aan ku talagal ahayn loogu soo daray wada-hadal ka dhacay barta Signal,
Xogta ayaa soo bandhigay tafatiraha wargeyska Atlantic, laga arkay sida maamulka Trump ay u bahdilayaan; Sacuudiga, Masar iyo Yurub!
“Waxaa lacag looga qaadi doonaa Sacuudiga in loo ilaaliyay ceelashiisa shidaalka, halka reer Yurub iyo Masar ay dib usoo celin doonaan kharashka ku baxa haddii Mareykanka uu ku guuleysto inuu dib u soo celiyo xorriyada socdaalka ganacsi ee Badda Cas” ayuu yiri Trump
Aqalka Cad iyo labada gole ee Baarlamaanka Mareykanka , waxay arrintan ka dhex dhalisay dood adag , waqti horaba waxaa lagu sheegay in maamulka Trump uu wajahayo fadeexadii u sarreysay iyo dayacaad amni oo aan horey looga diiwaangelin Mareykanka.
Wariye Konstanin Toropin ayaa khamiistii sheegay, inaysan Pentagon iyo Trump midna sharrixi karin sababta loogu baahday in Xuutiga la weeraro, iyada oo bilo badan aan halkaas dagaal ka dhicin. Badda Cas-na ay dagganayd.
Duullaannada cirka ah ee uu Maraykanku ku bartilmaameedsanayo Xuutiga waxay billawdeen usbuucii hore. Maanta waa maalintii toddobaad. Waxaana hadda la duqaynayaa caasimadda Sanca iyo meelaha kale ee ay dadku deggan yihiin.
Danaha muhiimka ah ee Maraykanka iyo amniga dhaqaalihiisa ee Badda Cas khatar kuma jirto. Hawlgallada Maraykanku ka fulinayo Yemen, ma baabi’in ama hoos uma dhigin cududda Xuutiga. Saas oo ay tahay, Maraykanku way ka go’an tahay inuu siiwado dagaalka uu ku hayo Xuutiga.
Ilaa October 2023, ilaa $1 billion ayaa ku baxday Hawlgallada Xuutiga lagu qaadayo.
Si kasta oo ay ahaataba, Israa’iil waxaa ka go’an inay burburiso Xamaas, halka Trump ay ka go’an tahay inuu burburiyo Xuutiga. Labada kooxoodba waxay u dagaallamayaan dagaalka dhuumaalaysiga ah. Wayna adag tahay in laga takhaluso.