Maxakamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida , ayaa xukun dil ah ku riday dable Xuseen Xasan Maxamuud (Macda) oo ka tirsan Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, kaa oo lagu soo eedeeyay dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali oo ahaa Taliye Koox.
Dilka ayaa yimid ka dib markii Xuseen uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay. Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee degmada Heliwaa, si loo joojiyo eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan qaadaya.
Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay joojinta eedeysanaha, isagoona eedeysanaha ka dalbaday in uu ku wareejiyo qoriga.
Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga uu watay ayaa baas ooda kaga qaaday marxuumka, waxa uuna falkan dilka ah dhacay 17kii bishii November ee sannadkii tagay.
Baaris dheer ka dib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 18 kii bishan aan ku jurno ee Maarso.
Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex dable xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Ex S/le xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali.