Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo dilay xubno miiniistayaal Daacish katirsan

Ciidamada difaaca Puntland , ayaa maanta toogasho ku dilay xubno katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo la sheegay xilliga la dilayay in ay aasayeen miinooyin ay rabeen in ciidamada ku dhibaateeyaan,

War kasoo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland, ayaa lagu sheegay in howlgal ciidamada ka sameeyeen deegaanka Guryo-samo ee nawaaxiga Buqo Calmiskaad ku dileen afar nin oo miinayste oo ka tirsan kooxda argagixisada ah.

“4-kamida kooxaha khawaariijta argagixisada Daacish gaar ahaan kuwa miinooyinka dhiga waddooyinka ayaa lagu guulaystay in la dilo hawlgal ay sameeyeen ciidamada geesiyaasha difaaca Puntland” ayaa lagu yiri warbixin laga soo xigtay Taliska ciidamada difaaca dowladda Puntland.

Ciidamada Puntland, ayaa gacanta ku dhigay hub iyo agabyo kale oo ay wateen maleeshiyaadka katirsanaa kooxda Daacish ee la toogtay, waxa ay sidoo kale ciidamada burburiyeen talis weyn oo kooxdan miinooyin ku diyaarin jireen.

 

Related posts

War Murtiyeed Xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Madaxda Maamul goboleedyada ee Kismaayo ka socday (Akhriso)

Cabdi Cade

Kumanaan qof oo bilaabay iney ku laabtaan Woqoyiga Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir ka tirsan dowlada Britain oo Muqdisho soo gaaray, lana kulmay Madaxda AMISOM (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---