Ayadoo xiisadda u dhaxaysa xubnaha aadka u mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka iyo xildhibaan Ilhaan Cumar ay sii xoogaysanaayso ayaa waraysi ay dhawaan bixisay Ilhaan waxay ku sheegtay in Maraykanka ay u siman yihiin ayada iyo Elon Musk oo ah maalqabeen xubin ka ah xukuumadda Maraykanka.
Hadalkan ayaa yimid ayadoo xildhibaanno Maraykan ah wadaan qorshe la doonayo in lagu musaafuriyo Ilhaan oo muddo dheer uu xifaaltan kala dhaxeeyey madaxweyne Trump, laakinse hadda xubno kale ay ku soo biireen.
Waxay waraysiga oo qayb yar oo ka mid ah ay soo galisay barteeda X ku sheegtay in ayada iyo xoghayaha waaxda cusub ee dhawaan la aasaasay ee waxtarka xukuumadda Elon Musk, ay labadooduba yihiin “laba qof oo muhaajiriin ah, laakinse aan wax badan ka baran sharciga dalka”.
“Aniga iyo Elon waxaan labadeennaba muhajiriin ku nahay dalkan, waxayna u eg tahay in qofkeenna uusan isku dhibin inuu barto shuruucda dhulkan. Gabi ahaanba waa xuquuqda dastuuriga ah ee dadka inay xuquuq leeyihiin ayadoo aan loo eegin meeqaamkooda. Waxaan leenahay nidaam la maro, waxa aan leenahay talaabooyin la isku hubiyo. Waxa aan ognahay in marka dadka loo diyaarinayo tarxiil, inay tahay in ay hor tagaan xaaakimka socdaalka. Waxaan ognahay inay tahay in aad hesho ruqsad soo qabasho oo uu saxiixay xaakimka socdaalka ka hor inta aadan aadin in aad qof soo xirto. Dhamaantood arrimahaas waa xogta ay dadku doonayaan inay ogaadaan, kumana noolaan karno meel la iska indhatiro isku xukunka sharciga, oo aan iska indha tirayno nidaamka la maro, oo aan abuurayno jawi cabsi leh”. ayey tiri Ilhan.
Hadalkaas ayaa u muuqday in aysan jirin sharciyad ka xayuubinaysa xilka loo doortay ee Koongareeska iyo in aan dalka laga tarxiili karin, muwaadinnimadana aan lagala noqon karin.
Dhawaan ayaa sharci dejiye laga soo doorto gobolka Texas oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Brandon Gill, wuxuu taageerayaashooda weydiistay inay saxiixaan codsi qoraal ah (petition) kaasoo lagu tarxiilayo Ilhaan Cumar, wuxuuna sheegay inay ahayd “in aan marnaba loo ogolaan Ilhaan dalka Maraykanka”.
“Saxiixa qoraalkayga codsiga ah, oo aan dib ugu dirno Soomaaliya oo ah halka ay ka tirsan tahay” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray “Ameerika meel fiican ayey noqon doontaa haddii @IlhanMN dib loogu tarxiilo Soomaaliya”.
Ilhaan ayaa hadalkaas ku tilmaantay cunsuriyad iyo inuu u eg yahay “khiddaddii uu hore u isticmaalay madaxweyne Donald Trump”.
Dhawaan ayey Ilhaan ka hadashay xaaladeeda dhaqaale, ayadoo sheegtay in ay leedahay hanti caadi ah oo kaliya, ayna weli bixiso daynta ardayda.
Ilhaan Cumar waxay diiradda saartay meeqaamkeeda sharci ahaaneed ee sharciyaddeeda dhalashada Maraykanka, waxayna cambaareysay isku day kasta oo “lagu marin habaabinayo ficilladeeda iyo damaceeda”.
Waxay tiri “taladaydu waa in aad samayso shaqadaada guriga, oo aad joojiso in aad rumaysato huuhaa kasta oo cunsuriyadeed oo aad maqasho. Meel aan u socdo ma jirto”.
Dhawaan ayey ahayd markii Ilhaan ay gaashaanka ku dhufatay in ay leedahay hanti malaayiin doollar ah, waxay kaloo sheegtay inaysan lahayn saamiyo iyo guri. “Tan iyo markii la i doortay waxaa socday olole isku xiran oo ay wadeen qolyaha garabka midig oo warar khaldan lagu bixinayo, laguna sheegayo nooc kasta oo jahawareerin ah, ayna ku jirto sheegashada ah in aan leeyahay hanti malaayiin doollar ah, taasoo gabi ahaanba been ah” ayey tiri.
Waxay intaa ku dartay “waxaan ahay hooyo shaqaysa oo lagu leeyahay deynta ardayda. Si ka duwan dadka aan shaqo wadaagga nahay – lana mid ah sida ay u nool yihiin inta badan dadka Ameerikaanka ah – maahi qof milyaneer ah, waxaan koriyaa qoys, anigoo deegaan ku leh Minneapolis iyo DC labadaba, kuwaasoo ka mid ah meelaha ay suuqayada guryaha ugu qaalisan yihiin dalka”.
Horraantii 2023 ayey xubnaha xisbiga jamhuuriga waxay ka saareen Ilhaan Cumar guddiga koongareeska u qaabilsan arrimaha dibadda.
Source BBC
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com