Allbanaadir.com
NEWS

Gantaalo culus oo lagu weeraray garoonka Ben Gurion iyo Markabka USS Harry Truman

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, ayaa mar kale weerar gantaalo loo adeegsaday ku qaaday dhulka Israa’iil xoogga ku heysato, gaar ahaa magaalada Tal Aviv ee caasimadda u ah Israa’iil.

Labo gantaal oo balastic ah oo nuucyadooda lagu sheegay Zulfiqar iyo Falaatiin 2, ayaa lagu weeraray magaalada Tel Aviv, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion.

Afhayeenka kooxda Xuutiyiinta Yaxye Sariic, ayaa sheegay in gantaalo ku weerareen Israa’iil, waxa uuna xusay in weeraradooda socon doono ilaa Israa’iil ka joojiso xasuuqa ay ku heyso shacabka ku dhaqan magaalada Gasa.

Yaxye Sariic, ayaa sidoo kale sheegay in weerar gantaalo loo adeegsaday ku qaadeen markii labaad muddo 24 saac gudahood markabka Mareykanka ee USS Harry Truman oo ku sugan qeybo kamid ah Badda Cas.

Xuutiyiinta ayaa si joogta ah u weerarta Garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee ee ku yaalaa duleedka magaalada Tel Aviv , waxa ayna kooxdan horey u shaacisay in garoonkaasi xiran yahay lana isticmaali karin ilaa Israa’iil ka joojineyso xasuuqa Gasa.

Related posts

Muxuu yahay heshiiska ay Somalia saxiixday ee la xiriira hubka Nuclearka?

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxkamad xukun jilicsan ku riday nin xaaskiisa madaxa ka gooyey

Caydiid Ali

Q/Midoobay oo damacsan talaabo ka dhan ah Israel iyo Maraykanka oo ka hor yimid

Caydiid Ali
Taboola Ads ---