Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Madaxweyne Trump oo fadeexad xun dhaxda uga jira

Maamulka Trump ayaa fadeexad kala kulmay inay si aan ku talagal ahayn bar-kulan sir ah oo looga hadlay xogta weerarkii 15 bishan Maarso uu Mareykanka ka geystay goobaha ay maamullan Xuutiyiinta ee dalka Yemen, ku soo daray tafatiraha guud ee wargeyska The Atlantic , Jeffrey Goldberg oo arkayay wax kasta oo ku saabsan weerarkaa , kaddib markii barta Signal ee wada sheekaysiga koox (group) ay ku jireen madaxda ugu sarreysa ee amniga, sirdoonka, wasiirka difaaca iyo madaxweyne ku-xigeenka lagu soo daray Goldberg.

Warbixin uu baahiyay tafatiraha guud ee wargeyska The Atlantic , Jeffrey Goldberg , wuxuu ku sheegay inuu labo saac ka hor oggaa inta aan weerarka la fulin, sababtoo ah xoghayaha difaaca Mareykanka , Pete Hegseth ayaa ku soo diray group-ka xogta weerarka oo ay ku jiraan ; nooca bambooyinka la isticmaalayo, bartilmaameedyada weerarka laga fulinayo iyo waqtiga! Laakin intaa oo dhan tafatiraha guud ee wargeyska The Atlantic, wuxuu ku jiray xaalad dhabano heys ah , maaddama xogtan xasaasiga ah ee amni uu goobjoog u yahay , iyadoo aysan ciddina garan in qof khaldan uu qeyb ka yahay kooxda xogta lala wadaagayo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay tahay wax uusan horey ula kulmin xaaladan oo kale, maaddama ay tahay wax aan horey loogu arag xog amni oo hadana lagu wadaagayo bar Internet..! Wuxuu hubiyay farriimaha iyo group-ka uu ku jiray inuu ahaa mid sax ah, kaddib xiriir uu la sameeyay xubnaha ku jiray oo e-mail uu u diray , waxaa loo sheegay inay wax walba dhab ahaayeen! waxaa xigtay maamulka Trump inay hadda qirteen khaladka ay sameeyeen!

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo wax  laga waydiiyay sida ay wax ka noqdeen maamulkiisa, wuxuu sheegay inuusan sharrixi karin sida ay wax u dhaceen.

Sheekadan waxay dib usoo celisay in lagu dhaleeceyo maamulka Trump , kuwa aan mas’uuliyad lahayn oo wax kasta u adeegsada si fudud iyo iyagoo guryahooda jooga, sababtoo ah warbixinnada xasaasiga ah iyo xogaha amni waxaa lagu wadaaga kulamo toos ah iyo qolalka howlgallada.

W/Q Iman Jamac

Related posts

Gudoomiye Aadan Madoobe oo Magacaabay guddi saaxiibtinimo oo ka kooban 15 Xildhibaan

Caydiid Ali

Puntland oo soo saartay Go’aano ay uga hortageyso Caronavirus iyo xuduudo la xirayo

Cabdi Cade

Madaxda IGAD oo War ka soo saaray hanaanka doorashooyinka ee Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---