Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray Mashruuc cusub

Madaxweynaha Somaliland Muddane  Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray cisbitaal casri ah oo laga dhisay Degmadda Dacar-budhuq.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo sheegay in Cisbitaalkani uu yahay mid daboolli doonna baahida caafimaad ee deegaanka,waxaanu xusay inuu yahay cisbitaal ay dadka degaanku dhisteen,isla markaana ay si casri ah u qalabaysteen,kaas oo sheegay in Xukuumaddu ay Dawooyinka iyo wixii ka dhimman dhammaystireyso, isla markaana ay la wareegayso shaqaalaha iyo dhakhaatiirta,kuwaas oo noqonaya shaqaale Dawladeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo  si rasmi ah xadhiga uga jaray Cisbitaalkaas ayaa   ku boggaadiyey dadka degaanka tallaabada wanaagsan ee ay qadeen, taas oo uu sheegay in wadda tashiga iyo wax wadda qabsigu uu yahay jidka horumarka.

Madaxweynaha ayaa goobta kaga dhawaaqey in Xukuumadda wadda jir iyo wax-qabad ay maanta laga bilaabo la wareegayso Cisbitaalka iyo Shaqalihiisaba.

Related posts

(Daawo Sawirro) Qoor-qoor oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Caro xooggan oo ka dhalatay Muuqaal laga duubay RW Sanna Marin (Sawirro)

Caydiid Ali

Markab Xamuul oo ka shiraacday Dekad kutaalla Jabuuti oo Gantaalo lagu weeraray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---