Ugu yaraan Lix askari oo ka tirsan booliska waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa la dilay ka dib markii koox hubaysani ay weerar ku qaadeen saldhigyo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Booliska.
Guddoomiyaha degmada Gaarisa, Maxamed Mwabudzo ayaa sheegay qaabka uu u dhacay weerarkaas in uu la mid yahay kuwii lagu yaqaanay kooxda Al-shabaab inkastoo aysan jirin illaa hadda cid sheegatay masuuliyada weerarkaas.
Wuxuu sheegay in askartan la weeraray 05:30 xilliga maxalliga ah, xilli ay isku diyaarinayeen salaadda subax, iyadoo Lixda sarkaal ee geeriyootay ka sokow, isbitaalka la dhigay afar askari oo dhaawac ah.
Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka geysta deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya iyo dadka rayidka ah.
“Maleeshiyaadkii la tuhansan yahay waxay adeegsadeen hub kala duwan si ay xerada oo dhan u daba gadiyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyahu.
Xerada weerarku ka dhacay waxa ay ahayd meel hoy u ahayd ciidamada kaydka ah – waxaana ay ahaayeen ciidamado si iskood u ah isu xilqaamay si ay booliska joogtada u howlgala uga caawiyaan ilaalinta nabadgalyada meelaha fog fog.
Al-Shabaab – oo xiriir la leh al-Qaacida – kana talisa qeybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa waxay weeraro ka gaystaan gudaha Kenya, iyaga oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeya xadka ay wadaagaan labada dal.