Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo ka qeyb galay Shir Madaxeedka EAC & SADC

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay kulan madaxeed wadajir ah oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC.

Kulanka oo ahaa mid ku dhacay aaladda fogaan-aragga, ayaa looga hadlay xaaladda amni darro ee ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta Bariga Congo ay masuuliyad ka saaran tahay dalalka gobolka in ay xal u helaan, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in nabad waarta oo laga gaaro DRC lagu heli karo qorshe dhameystiran, oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada is haya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si xal kama dambeys ah oo amni loogu helo dagaalka.

War murtiyeed ka soo baxay shirka wadajirka ah ee labada urur ee EAC iyo SADC ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ah Madaxweynayaal hore kuwaasi oo ka shaqeyn  doona xal u helidda arrinta DRC, waxaana ay kala yihiin:

  1. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo
  2. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta
  3. Madaxweynihii hore ee South Africa, Kgalema Motlanthe
  4. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Catherine Samba Panza
  5. Iyo Madaxweynihii hore ee Ethiopia, Sahle-Work Zewde

Related posts

Caro iyo Hadal heyn ka dhalatay gabar sawir iska qaaday iyadoo xiran labiskii faraaciinta !!

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho iyo Xildhibaan kaa badbaaday

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Milateriga DF oo degaan muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---