Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirad Al Makhzuumi & Agaasimaheeda oo tacadi xun ku kacay

Haweeney ka tirsaneyd shaqaalaha rasmiga ah ee Wasaarada haweenka & horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumada Somalia ayaa si cadaalad daro & musuq ah looga saaray shaqada sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah.

Xaliimo Macalin Aadan oo sanado badan ka tirsaneyd shaqaalaha joogtada ah ee Wasaarada ayaa shaqadeeda si fudud ku weysay xili ay dalka dibediisa ku joogto safar la xiriira arrimo Caafimaad ka dib markii ay xanuunsatay.

Haweeneydan ayaa waxaa fasax labo bilood ah siiyey Wasiirkii hore ee Wasaarada Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ka dib markiu ay xanuunsatay, waxayna safar caafimaad ku tagtay dalka Turkiga oo xaaladeeda lagula tacaalayey.

Xaliimo Macalin Aadan ayaa Markii ay xilka la wareegtay Wasiirada khadiijo Al Mukhzuumi soo dalbatay in fasaxeeda loogu daro bil dheeraad ah ka dib markii dhaqaatiirtii ay kula kulantay Turkiga ay u direen Isbitaalo ku yaalla Talyaaniga si ay halkaas loogu daweeyo.

Hase ahaatee agaasimaha guud ee Wasaarada haweenka Maxamed Bashiir oo ka faa’iideysanaya fursadaas ayaa diiday fasaxa dheeraad ah ee ay dalbatay Xaliimo si uu shaqada uga saaro booskeedana qof ay xigto yihiin ugu bedasho.

Agaasimaha oo arrinta shaqo ka eryida Xaliimo ka duulaya ayaa arrintaas ka dhaadhiciyey Wasiirka Wasaarada haweenka Khadiijo Al Makhzuumi taasoo iyadoo aan ka fiirsan aqbashay dalabka agaasimaha.

Agaasime Bashiir ayaa sidoo kale si ay talaabadan ugu hirgasho waxaa uu abuuray guddi laga xulay shaqaalaha Wasaarada oo la yiraahdo (Guddiga goob shaqo) kuwaasoo uu qaab handadaad iyo qasab ah uga saxiixay in shaqada laga saaro Xaliimo si uu kiiskaas isaga fogeeyo hadii la isku qabsado, uuna marmarsiiyo uga dhigto in guddi ka tirsan Wasaarada ay ansixiyeen shaqo ka eryida Xaliimo oo ugu dambeyn sidaas booskeeda shaqo ku weysay sida ay allbanaadir Online u sheegeen ilo wareedyo ku dhow Wasaarada oo magacooda ka gaabsaday in la adeegsado.

Shaqaalaha Wasaarada ayaa si weyn uga xumaaday talaabada Wasiirad Makhzuumi iyo agaasimaheeda ay shaqada uga saareen qof shaqaale ah oo fasax caafimaad ku maqan iyagoo ku tilmaamay arrin sharci daro ah oo baal marsan habraaca uu qofka muwaadinka ah ku weyn karo shaqada dowlada.

“Waxaa jira shaqaale aan sanado soo xaadirin fasax la’aan kuwaasoo mushaharkooda iska qaata iyagoo jooga dalka gudihiisa iyo dibediisa hase ahaatee aysan jirin cid talaabo ka qaaday sababtoo ah waxaa meesha keensaday oo looga baqayaa madaxda sare ee dalka qaarkood & rag siyaasiyiin ah, waxaana nasiib daro ah in qof xaalad caafimaad fasax u qaatay looga faa’iideysto duruufta, booskiisii shaqadana si musuq ah looga saaro” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda magaciisa diiday in la xigto.

Shaqaalaha Wasaarada qaarkood oo aysan jirin siyaasiyiin ka dambeeya ayaa ka cabsi qaba iney saameyso talaabada qaldan ee shaqada looga eryey Xaliimo haddii ay galaan fasaxyo noocaas ah waxayna ka codsadeen iney arrintan soo fara geliyaan Wasaarada shaqada iyo arrimaha gudaha, Guddiga shaqaalaha rayidka & dhamaan heyadaha ay quseyso.

Related posts

Ciidamada Turkiga oo qabtay Haweenay la dhalatay Abuubakar Al Bagdaadi iyo Sir badan oo… 

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray xarun cusub oo casri ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladaha Itoobiya & Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis iskaashi Milateri (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---