Allbanaadir.com
NEWS

Masar & Eritrea oo war xasaasi ah ka soo saaray Amniga badda Cas

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Abdelatty ayaa magaalada Qaahira ku qaabilay dhigiisa Eritrea Osman Saleh.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Masar iyo Eritrea, waxayna is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka iyo dariiqyada lagu horumarin karo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

War saxaafadeed laga soo saaray Shirkii wasiiradda arrimaha dibada Masar iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in la isku afgartay in dhawaan la qabto shirkii Seddex geesoodka ahaa ee dalalka Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya, iyadoo la fulinayo heshiisyadii horay loo galay.

Kulanka ayaa la isku weydaarsaday aragtiyo la xiriira arrimaha gobolka oo ay ugu weyn tahay xaaladda qaaradda Afrika iyo sidii loo taageeri lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka argagixisada iyo adkaynta madaxbannaanida dhulkeeda oo dhan.

Waxaa sidoo kale looga hadlay isbedellada ka socda badda cas iyo diidmada dal aan ku jirin badda cas inuu ka qayb qaato amniga iyo maamulka badda cas.

Labada Wasiir ayaa diiday in waddamada aan xeebaha lahayn ay ka qaybqaataan sugidda amniga Badda Cas, iyagoo si gaar ah ula jeeda Itoobiya. Waxay ku adkeysteen in maamulka marin-biyoodkan ay tahay inay hoggaamiyaan dalalka ku teedsan Badda Cas.

Related posts

Duqa Muqdisho oo qodobo xasaasi ah kala hadlay Madaxda Maxkamadaha G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xiisad xoogan oo ka dhalatay tageerayaal Kubada Cagta oo amaanay Saddam Xuseen

Cabdi Cade

Dhalinyaro Soomaali ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---