Ku dhowaad 30 qof oo isugu jira Ciidan iyo Shacab ayaa dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray Madaafiic maanta lagu garaacay degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada Hoose
Madaafiicda ayaa waxaa lala beegsaday xero ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin degmada Afgooye, waxaana qaar ka mid ah madaafiicdaas ay ku habsadeen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah
xiliga madaafiicda ay dhaceysay waxaa degmada Afgooye ku sugnaa Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir iyo Saraakiil kale oo halkaas howlo shaqo u joogay.
Al shabaab oo beryahan xoojisay weerarada iyo duqeymaha ka dhanka ah ciidamada DF ayaa weerarkaas ka dambeysay.
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay duqeyntaas ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo haatan xaaladooda lagula tacaalayo
Hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya wali faah faahin kama bixin weerarka madaafiicda ah ee maanta ka dhacay Afgooye, laakiin maalmihii dambe degmooyin katirsan Gobalka Shabeelada Hoose waxaa ka jiray shaqaaqooyin amni.