Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo xasuuq ku leysay weriyeyaal ku sugnaa Gaza & shacab kale

Israa’iil ayaa weerarro gaar ah oo duqeyn ah oo ka dhacay marinka Qasa ku dishay labo wariye oo Falastiiniyiin ah

Weerarka koowaad oo ka dhacay horrraantii maanta gurigiisa oo ku yaalla koonfurta Qasa ayaa lagu dilay Mohammad Mansour, oo ahaa weriye u shaqeynayay telefishinka Palestine Today

Halka sidoo kale duqeyn lala eegtay gaarigiisa lagu dilay Hossam Shabat, oo ahaa saxafi Falastiini ah, waxna ku qori jiray Al Jazeera Mubasher.

Isku darka dhimashada ka dhalatay weerarrada tan iyo saaka ay Israa’iil ka fulisay Qasa ayaa sidoo kale si dhaqso ah ku gaartay ku dhawaad boqol ruux, iyadoo maalin walba tan iyo markii ay Israa’iil dib u soo celisay duqeymaheeda ku disha boqol illaa labo boqol oo ruux, taasoo muujinaysa sida ay Israa’iil sare ugu qaadayso xasuuqa ay ka wado marinka Qasa.

Kaddib burburinta Isbitaallada, hadda waxay Israa’iil beegsanaysa wariyeyaasha, tan oo u muuqata inay ku raadinayaan sidii ay u damin lahaayeen codka iyo muuqaallada ka soo baxaya Qasa

Maamulka degmada Rafax ee koonfurta marinka Qasa ayaa sheegay in xaafadda Tal al-Sultan ee galbeedka magaalada uu ka socdo xasuuq ba’an, waxaana kumanaan shacab ah go’doomiyay duqeymaha Israa’iil, iyadoo tirada dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ay korortay tan iyo waabarigii maanta oo ay gaartay 31 ruux oo ku sugan qeybo kala duwan oo ka tirsan marinka Qasa.

Related posts

Cabdirashiid Janan & Senator Fartaag oo booqasho lama filaan ah ku tagay Belad-xaawo

Caydiid Ali

Eeyaha jooga Gaza oo bilaabay in meydadka cunaan iyo xaalad adag oo ka taagan Isbitaalka …

Cabdi Cade

Shirkad Soomaaliyed oo sheegety in Hantida lagu Dhisayo Isbitaalka Sheekh Zayed Muqdisho ay tahay Hanti laga Dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---