Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowlada Somalia Faarax Shiikh C/qaadir ayaa ku goodiyey inuu hawada ka saari doono shabakada Allbanaadir Online ka dib markii uu ka carooday warbixin xaqiiqada ku saleysan oo dhowaan laga qoray.
Faarax Shiikh C/qaadir ayaa u sheegay howlwadeeno isaga ku dhow inuu albaabada u laabayo shabakada Allbanaadir Online, isagoo la kaashanaya Wasaarada isgaarsiinta xukuumada Somalia iyo shirkadaha bixiya adeegga internetka sida aanu ka soo xiganay ilo wareedyo ku dhow xafiiska Wasiir Faarax.
Wasiirka ayaa ka carooday warbixin maalmo ka hor ay baahisay shabakada Allbanaadir taasoo daaha ka qaaday musuq maasuq iyo maamul xumo baahsan oo ka jira Wasaarada gudaheeda taasoo uu qeyb ka yahay wasiirka qudhiisa.
Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay Labo mashruuc oo midkood uu maalgalineyay Bangiga Adduunka ayna ku bixi lahayd malaayiin dollar kuwaasoo mid kamid ah uu fashilmay, halka midka kalana uusan hadda cago badan ku taagneyn ayna suurto gal tahay in uu fashilmo lagana wareejiyo Soomaaliya .
Mashruucii Somalia Education for Human Capital Development Project oo maalgalineysay (World Bank) ayaa fashilmay, kadib markii uu is casilay madaxii mashruucaasi Maxamed Cabbduqaadir Nuur, waxaana la sheegay in ninkan isku casilay faragalin uga timid Wasiir Faarax .
Wasiirka ayaa rabay in lacagta mashruucan ku baxeysay oo aad u badneed isagu leexsado laguna shubo akoon gaar ah uu leeyahay, isaga oo ku andacoonayay in mashruucaasi isagu uu fulinayo, hasa ahaatee markii la ogaaday in ujeedku yahay musuqmaasuq ayaa la hakkiyay gabi ahaan mashruucaasi.
Shabakada Allbanaadir Online waa mid madax banaan oo u adeegta bulshada Soomaaliyeed soona bandhigeysa musuq iyo maamul xumo kasta oo ka jirta heyadaha dowlada Soomaaliya si bulshada loogu soo gudbiyo xaqiiqada jirta, waxna looga qabto, shabakaduna bartilmaameed uma aha masuul gaar ah balse waxay tooshka ku ku ifin doonta masuul & heyad kasta ay ka socdaan howlo qaldan.
HALKAN KA DAALACO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN..