Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo ku dhawaaway in uu furan yahay Madaarka Berbera (Sawirro)

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo weli ku gudo-jira safarkiisii shaqo ee uu ku marayey Gobolka Saaxil ayaa maanta kormeer ku tagay Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera.

Madaxweynuhu waxa uu halkaasi warbixin mug leh kaga dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Mudne Fuaad Axmed Nuux.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay diyaarisay Strategy-yada Madaarka Berbera oo ah in uu noqdo Madaarka Caalami ah (Airport Hub) kaasi oo adeegyo ay ka qaadan doonaan Diyaaradaha u kala gooshaya daafaha caalamka ee dusheena maraya. Wasiirku waxa uu bayaamiyey in muddadii koobnayd ee uu joogay Wasaaradda ay Madaarka Berbera ku soo dageen Diyaarado badan oo adeegyo ka qaadan jiray Maddaaradda wadamada Gobolka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sharaxay inay qorsheeyeen sidii Madaarka Berbera looga dhoofin lahaa kalluunka, khudaarka iyo hilibka qalan, sidoo kale qorshaha ay ku jirto in la bilaabo Duulimaadyada Xamuulka ah (Cargo Flights) isku xidha Addis Ababa iyo Berbera. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ay kala shaqaynayaan sidii loo bilaabi lahaa duullimaad Dalxiis ah oo isku xidha Addis Ababa iyo Berbera.

Waxa iyaguna madasha hadallo ka soo jeediyey Maayarka Magaalada, Guddoomiyaha Gobolka, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kuwaasi oo mid mid hoosta uga xariiqay muhiimadda uu Madaarka Berbera u leedahay Qaranka JSL iyo Gobolka Geeska Afrika.

Madaxwaynaha Somaliland oo munaasibadda kormeerka Madaarka Berbera soo gunaanaday ayaa sheegay in Siyaasadda Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay tahay in Madaarku shaqeeyo, waxaanu ku dhawaaqay in Madaarka Caalamiga ah ee Berbera uu u furan yahay Ganacsiga iyo Diyaaradaha Rakaabka iyo Cargo-ga ah.

Ugu dambayntii, Madaxwaynuhu waxa uu Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ku bogaadiyey xidhiidhada Caalamiga ah ee uu sameeyay muddadii koobnayd ee uu joogay Wasaaradda, tallaabadaasi oo suurto-gelin doonaa in Madaarka Berbera ay isticmaalaan Diyaaradaha caalamiga ah ee dusheena maraya.


Related posts

Facebook oo shaacisay olole ka dhanka ah Putin iyo Ruushka oo ka jawaabay

Caydiid Ali

Ciidamo Kumandos lagu soo tababay Turkiga oo dalka ku soo laabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Khaad laga soo dhoofin rabay Kenya oo la joojiyay iyo Ganacsato ku khasaartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---