Allbanaadir.com
NEWS

Xogta cida masuulka ka ah in shacab qaataan Baasaboorada Diblumaasiga iyo…

Waxaa sii kordhaya dadka shacabka ah ee sida fudud ku qaadanaya baasaboorada diblumaasiga iyo midka shaqaalaha dowladda loogu tala galay, taa oo magac-xumo usoo jiidaya sharafta iyo magaca baasaboorka Soomaaliya iyo dowladnimada dalkeena ka jirta.

Saraakiil katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xiriir lasoo sameeyay Shabakadda Allbanadair, ayaa sheegay in maalin kasta arkaan dad shacab ah oo wata baasaboorka loogu tala galay diblumaasiyiinta Soomaaliya iyo sidoo kale midka shaqaalaha dowladda.

Waxa ay sheegeen saraakiishan in dadkan baasaboorka diblumaasiga qaatay aysan soo marin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayna heysan wax ogolaansho ah, waxa ayna tilmaameen in dadkan ay wataan siyaasiyiin iyo masuuliyiin looga sameeyay xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

” Wasaaradda waxa ay leedahay habraac loo maro marka la bixinayo baasaboorka Diblumaasiga, kaliya waxaa loogu tala galay in la siiyo qofka diblumaasiga ah ee Wasaaradda katirsan , balse waxaa jira dad aan Wasaaradda iyo habraaceeda soo marin oo si suuq madow ah u taga hay’adda Socdaalka iyo Jisiyada Soomaaliya , kaddibna loo sameeyo baaaboorka” ayuu yiri sargaal katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dadka loo sameeyo Baasaboorka Diblumaasiga iyo midka shaqaalaha dowladda , ayaa la sheegay in ay u badan yihiin gabdho, kuwaa oo qaab tahriib camal fiisooyin loogu raadiyo loona geeyo dalal kuyaalla Qaarada Yurub oo ay iska dhiibaan.

Maalmihii lasoo dhaafay, ayaana la sheegay in ay kordheen dadka shacabka ah ee qaadanaya baasaboorada Diblumaasiga iyo midka kale ee shaqaalaha, waxaana inta badan la sheegaa in toos looga bixiyo xarunta dhaxe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Puntland oo xabsi ku gurtay shacab soo dhoweyn rabay Wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble

Caydiid Ali

Banaan bax looga soo horjeeday Masaajid ay gubeen Amxaarada Itoobiya oo la dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rooble oo fulin waayay Balan qaadyo uu sameeyay mar kalana fariin cusub loo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---