Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir soo bandhigay Fadeexad ka dhax jirta Wasaaradda Arr. Dibadda

Soomaaliya oo hadda ku jirta xaalad soo kabasho ah , ayaa waxaa la haray musuqmaasuq baahsan oo hay’adaha dowladda ka dhax jira, taa oo mar kale dib u dhigeysa soo kabashada iyo horumarkii laga sugi lahaa hay’adaha sar sare ee dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya , ayaa waxaa la degay musuqmaasuq baahsan uu ku kacayo wasiirba midka uu kasii dambeeyo, waxa ayna Wasaaradda noqotay meel qofkii yimaadaba waxii uu doono ka sameeyo, taa oo magac-xumo usoo jiideysa dalkeenna.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, ayaa shaaca ka qaaday arrin musuqmaasuq ah oo la degay Wasaaradan uu mar soo joogay, waxa uuna xusay intii uu joogay uu arkay in   Passport-ka Diblumaasiyiinta loogu tala galay la sharaf dilay lana siiyay dad shacab ah.

Waxa uu tilmaamay Maxamed Cabdirisaaq  in tirada Basaaboorada Diblumaasiga ah ee dadka  shacabka ah la siiyay kor u dhaafay  5 kun oo Passport, waxa uuna xusay in tirada intaas la eg xitaa aysan jirin dal caalamka kuyaalla oo bixiya, xitaa Shiinaha oo ah dalka ugu dadka badan caalamka.

Passport Diblumaasiga ah ayaa ah mid loogu tala galay dadka ka shaqeeya Arrimaha Diblumaasiyadda amase xidhiidhka leh ,balse Soomaaliya waxa ku safra shacabka caadiga ah ee suuqa iska jooga oo hab musuqmaasuq ku hela.

Tiradii ugu badneed ee Baasaboorka diblumaasiga ah ayaa la bixiyay sida xogta ku helnay inta uu Wasaaradda joogo Wasiir Axmed Macallin Fiqi, waxaana la sheegay in dad badan oo shacab ah la siiyay kuwaa oo leyman Yurub ah looguraadiyo.

Dad badan aan aheyn diblumaasi ama shaqaalaha Wasaaradda , ayaa si joogta ah u wata Baasaboorka diblumaasiga ah kuna safra, waxa ayna dalalka qaar ku wareereen Baasaboorkan qof kasta iska wato, iyadoona arrintan sumcad dil ku tahay sharafta iyo dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Amniga oo arrimo muhiim ah kala hadlay Maxamed El-Amine iyo saraakiil katirsan ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade

Ex-Madaxweyne Ku-xigeenkii Kenya oo fagaare ka sheegay hadal Soomaalida ka yaabiyey

Caydiid Ali

Wariye Caan ah oo Shaqadiisa ku waayay Warbixino been abuur ah uu qoray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---