Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Gudoomiye Mursal oo ka hadlay Musharaxnimada Abuu Mansuur iyo Fara galin dowlada ay…

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Maxamed Mursal oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in uu rajeenayo in Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku dhacdo xiliga loo qorsheeyay oo ah shanta bishan December.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo wax laga weediiyay Musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh in uu tartamo sidoo kale buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

“Muqtaar Roobow waa muwaadin soomaaliyeed dowlada iyadaa heshiis la gashay iyadaa keentay Muqdisho xerada nabadsugida ayuu degenaa ogaal la’aan meeshaas kuma tegin, musharax ayuu  noqday shahaadana waa la siiyay xaq ayuu u leeyahay inuu u tartamo dowlada haddii ay ujeedo kale ka leedahay sanad ka badan muqdisho ayuu joogay.”ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa meesha ka saaray in dowlada Federaalka ay qaadi karto tilaabo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur meesha looga saarayo loogana hor istaagayo in uu u taramo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Maxamed Mursal ayaa cadeeyay in qalad tahay in dowlada Faragaliso Musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur hadiiba uu xiligan soo gaaray, waxa uuna Gudoomiyaha golaha shacabka ka digay faro galin lagu sameeyo doorashada.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu fashilantay in doorashada ka hor istaagto Sheekh Mukhaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in dowlada mar kale faragalin ku sameyso Abuu Mansuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo saakay Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig Ciidan

Cabdi Cade

Melania Trump oo booqasho ku joogta Magaalada Nairobi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Eng. Yariisow: Guddoomiyihii ugu safarada badnaa ee soo mara Gobolka Banaadir..!!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---