Waa maxay walaaca uu Netanyahu ka qabo Turkiga ?
Netanayahu ayaa u ololeynaya inuu ka horyimaado Turkiga , isagoo ku sheegaya inuu Turkiga khatar ku yahay danaha Israa’iil ee Bariga Dhexe! Wuxuu la meel dhigay Iran, isagoo ku tilmaamay inuu Turkiga si aamusan u dhisayo isbahaysi ka dhan ah Israa’iil oo aan ahayn sida Iran — ururro wakiillo ah , balse Turkiga wuxuu dalalka bariga dhexe ku qanciyay inay khatarta Israa’iil waqti walba la kulmi karaan!
Ka hor isbeddelkii Suuriya , waxaa wax badan laga maqlay Erdogan iyo saraakiisha sare ee Turkiga inay Israa’iil halis ku tahay Turkiga , illaa markii dambe la arkay isbeddel lama filaan ah oo ka dhacay Suuriya.
Sideebu u doonaya Turkiga inuu uga hortago khatarta ku wajahan?
Inqilaabkii fashilmay ee 2016 kaddib, Turkiga wuxuu qaatay siyaasad uu ku wajahayo khataraha dibadda halkii ay ka ahaan lahayd gudaha, tana waa sababta loo arkay Turkiga oo taageerraya kacdoon xukunka looga tuuray nidaamkii Bashaar Al-Assad, taa oo Turkiga u fududeysay inuu saameyn ku yeesho Suuriya , halkaana uga hortaggo khatar kasta oo iga imaan lahayd Israa’iil, sababtoo ah Suuriya ayaa ahayd goobta ugu fudud ee lagu gaari karo Turkiga, iyadoo loo marayo dhulka ay maamullan Kurdida , balse isbeddelka dhacay wuxuu meesha ka saaray khatartaa!
Turkiga wuxuu hiigsanayaa inuu ka hortaggo faragelinta shisheeye iyadoo la dhisayo xulafada gobolka iyo qaababka difaaca wadajirka ah, taas oo keentay in dhaqdhaqaaqyada millatari ee Suuriya, Ciraaq, iyo hawlgallada sirdoon ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Turkiga uu kordhay.
Wuxuu dhawaan Turkiga dhammeystiray heshiis milatari iyo sirdoon oo u dhaxeeya: Turkiga, Suuriya, Ciraaq, iyo Lubnaan, waxaana ku jira heshiiska hawlgallo wadajir ah iyo hab sirdoon oo ay iska kaashanayaan dalalkan, iyadoo ay hadda soo baxayso surtagalnimada ballaarinta heshiiskan oo ay ku soo biiri karaan dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Masar.
Ujeeddada ugu weyn ee heshiiskan laga leeyahay waa xoojinta iskaashiga sirdoonka iyo nidaamka difaaca hawada ee wadajirka ah si looga hortago awoodda sirdoonka Israa’iil.
Gabagabadii, Israa’iil, waxay u aragtaa heshiiskan inuu yahay beddelka Bariga Dhexe ee NATO, oo ka hortagaya saameynta Maraykanka iyo Israa’iil ee gobolka, halka Netanayahu uu u arkayo Erdogan inuu sugayo waqtiga saxda ah , si looga hortaggo dhaqdhaqaaqyada milatari ee Israa’iil ay ka wado bariga dhexe, iyadoo laga faa’iideysanayo isbeddelka ku yimid siyaasadda Mareykanka , kaddib markii maamulka Trump uu go’doomiyay xulafadiisa , kana baxay iskaashigii Mareykanka iyo dalalka kale ee NATO.
W/Q Imam ‘Jamac