Sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah musuq baahsan iyo Maamul xumo ayaa ka taagan Xafiiska dalabka viisooyinka ee Wasaaradda arrimaha dibeda ee xukuumada federaalka Somalia.
Xafiiskaan ayaa qaabilsan iney masuuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada eee heysta baasaboorada Service-ka iyo diblomaasiga siiso warqado looga codsanayo safaaradaha dalalka caalamka iney siiyaan fiisooyinka ama dal ku galka ay u baahan yihiin.
Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowaan Xafiiskaan gaarka ah u magacaabay nin uu isagu keensaday oo magaciisa lagu sheegay C/waaxid Geeddi Maxamuud, wuxuuna ka wareejiyey Wasiirka ku-xigeenka arrimaha dibeda oo ay markii hore xafiiskaan hoos tagi jirtay.
C/waaxid Geeddi Maxamuud ayaa bilaabay musuq waaxda ka dhaqan galay isagoo lacago laaluush ah oo gaaraya illaa 5 kun oo dollar ka qaadaya dadka heysta baasaboorada Diblomaasiga iyo Service-ka ee loo sameynayo warqadaha loogu dalbayo Fiisooyinka dalalka Yurub.
Xafiiskaan ayaa noqotay il ay dhaqaale ka sameeyaan Wasiir Fiqi iyo ninka uu halkaas u magacaabay taasoo keentay iney noqoto waax ka tilmaaman waaxyaha kale ee Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.
Xafiiska dalabka Fiisooyinka ayaa isku bedeshay goob soo jiidatay muqalasiinta dadka dhoofiya iyo masuuliyiinta dowlada qaarkood oo shaqo ay dhaqaale ka sameeyaan ka dhigtay dalabka iyo ka ganacsiga fiisooyinka dadka Yurub loo dhoofinayo, kuwaasoo wata baasaboorada diblomaasiga iyo kan la siiyo shaqaalaha DF.
Safaaradaha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi oo la yaabay dalabka faraha badan ee Viisooyinka ayaa hakiyey iney fiiso ku bixiyaan dalabka Wasaarada ka dib markii ay ka shakiyeen sida ay wax socdaan, taasoo keentay in dad badan oo lacago laga qaatay ay waayaan fiisooyinkii loo soo idmay.
Fiqi ayaa ku guuleystay inuu awoodiisa dhimo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas oo waaxdan gacan ku hayey inkastoo Wasiirku uu ku guulareystay inuu wax ka qabto culeys badan oo kaga imanayey Wasiiru dowlaha Wasaarada Cali Balcad sababo lka xiriira ninkan oo si weyn ugu dhow madaxweyne Xassan Shiikh.
Falkan ayaa si weyn wax ugu dhimay qiimaha baasaboorka Soomaaliga ah & kalsoonida lagu qabi oo markii horeba aad u liidatay ka dib markii baasaboorada diblomaasiga iyo Service-ka si musuq maasuq ah loo siiyey dad aan aheyn masuuliyiin iyo shaqaale dowladeed.