Allbanaadir.com
NEWS

Mashruuc faaiido u leh shacabka Berbera oo la bilaabay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro  iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayay oo weli ku guda jira maalintii 2-aad ee Safarkiisa shaqo ee Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera ayaa maanta dhagax dhiggay Mashruuca biyo ballaarinta Magaalada Berbera.

Munaasibaddan oo ay madaxweynaha kala qayb galeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda Gobolka Saaxil iyo Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera, ayaa lagaga hadlay muhiimadda uu leeyahay mashruuca biyo ballaadhinta Berbera

Ugu horeyn Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Khadar Siciid Axmed (Firiko) ayaa madasha ka hadlay,waxaanu sheegay in mashruucani uu wax weyn ku soo kordhin doonno Biyaha Magaalada Berbera ,maaddaama oo ay tahay Berberi Magaalo xeeb ah oo u  baahan biyo badan, isla markaana ay xoolaha ka dhoofaya Dekadda isticmaalaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Abubakar Cabdiraxmaan Good oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay Mashruucan biyo ballaadhinta Berbera ,waxaanu sheegay in mashruucan uu yahay mid ay Dawladu hirgelinayso, isla markaana laga fulinayo Qasnada  Dawlada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa wasaaradaha Biyaha iyo Wakaalada Biyaha Berbera uga mahadnaqay in mashruucan la dhagax dhigo, waxana uu ku baaqay in hirgelintiisa la dedejiyo.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruucan biyo ballaadhinta Magaalada Berbera.

Related posts

Deni oo Dib u Magacaabay golaha Maxkamada Sare oo ay saakay diideen Baarlamaanka Puntland

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xarigga ka jaray Waddo kutaala Muqdisho oo dib loo dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay faa’idada Soomaaliya ugu jirto qaadista cunaqabateynta hubka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---