Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn lagu dilay Salah Al-bardawil & xaaskiisa oo tukanaya

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay siyaasadda Xamaas Saalax al-Bardawel, sida uu u sheegay sarkaal ka tirsan Xamaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Bardaawel, oo loo arko inuu yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Xamaas. Waxaa kale oo ay wararku tibaaxayaan in sidoo kale xaaskiisa la dilay. Saraakiisha Israa’iil ayaanan ilaa haatan wax faallo ah ka bixin warkaasi sheegaya dilka al-Bardaweel.

Maamulka caafimaadka ee dhulka falastiiniyiinta ee Xamaas maamusho ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay Khan Yuunis iyo koonfurta kale ee Rafah Axadda maanta ah.

Israa’iil ayaa dib u billowday duqeymo culus oo ay ku hayso Gaza horraantii toddobaadkan – taasoo soo afjartay wejigii koowaad ee xabbad-joojin socotay ku dhawaad ​​laba bilood. Waxay Xamaas ku eedaysay inay diiday soo jeedinta cusub ee Maraykanka ee lagu kordhinayo xabbad joojinta.

Xamaas, ayaa iyana Israa’iil ku eedaysay inay ka baxday heshiiskii asalka ahaa – oo ay dhexdhexaadinayeen Qatar, Masar iyo Maraykanka. Xabad joojinta ayaa la saadaalinayay in lagu gaaro heshiisyo ay ka mid yihiin ka bixitaanka ciidamada Israel iyo sii deynta maxaabiistooda iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ah – marka lagu daro wada xaajoodka lagu soo afjarayo gebi ahaanba dagaalka iyo dib u dhiska Gaza.

Bayaan ay soo saartay, Xamaas waxay ku sheegtay in Bardaweel, oo 66 jir ah, uu la tukanayay xaaskiisa, markii gantaal Israel uu ku dhacay teendhadooda.

Bardaweel waxa uu ahaa aabbe siddeed carruur ah dhalay, waxa uu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Xamaas.

Waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga ee Khan Younis, waxaana lagu yaqaanay inuu aad ugu dhowaa hogaamiyihii geeriyooday ee Xamaas Yahya Sinwar, waxaana lagu tiriyaa inuu ka mid yahay jiilkii labaad ee hogaanka Hamas, isagoo raacaya aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa.

Waxa uu madax ka ahaa garabka siyaasadeed ee baarlamaanka ee Xamaas, waxaana mar kale loo doortay xafiiska siyaasadda kooxda sanadkii 2021.

Ka dib dilkii Sinwar iyo Rawhi Mushtaha intii lagu jiray dagaalkii muddada socday, Bardaweel waxaa loo tixgaliyay inuu ahaa hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee siyaasadda Xamaas.

 

Related posts

Mahad Salaad oo kordhiyay Mushaarka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hay’adda NISA (Akhriso)

Cabdi Cade

Weerar xoogan oo caawa lagu qaaday magaalada Boosaaso iyo xaalada oo kacsan

Cabdi Cade

23 ka tirsan Ciidankii loo xilsaaray howlgalada Muqdisho oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---