Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka hadlayey munaasabadda xilwareejinta, ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub sidii uu u horumarin lahaa adeegyada ay Wasaaraddu u hayso dhallinyarada Soomaaliyeed iyo bahda ciyaaraha, isaga oo uga mahadceliyey Wasiirkii hore dadaalkii uu ku bixiyey muddadii uu xilka hayey tayeynta Wasaaradda.
Sidoo kale, Mudane Cabdisalaan, ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay sii laba jibbaaraan doorkooda ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo doorashooyinka qofka iyo codka ah ee dalka laga hirgelinayo.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com