Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxa ay kusoo soo bandhigtay ilaa 10 xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isa soo dhiibay.
Xubnahan kasoo goostay kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay in ay katirsanaayeen qeybaha kala duwan ee kooxdaasi, waxa ayna dhallinyaradan kahor inta aysan kasoo bixin kooxda Al Shabaab xiriiro lasoo sameeyeen saraakiil dowladda katirsan oo soo dhaweeyay.
Dagaalamayaasha Al Shabaab kasoo goosanaya ayaa muddooyinkan dambe sii kordhaya, kuwaa oo la sheegay in ay ku dhibtoodiin furumaha hore ee dagaalka , waxa ayna go’aansadeen in ay hubka dhigaan iskuna soo dhiibaan dowladda.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira ayaa marar badan soo bandhigay xubno badan oo kasoo goostay Al Shabaab , kuwaa oo la sheegay in ay ka faa’iideesteen cafiska dowladda u fidisay xubnaha kasoo laabta fikirka dagaalka iyo dilka ku dhisan ee Al Shabaab.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com