Allbanaadir.com
NEWS

Hay’adda NIRA oo si cad u beenisay eedeymo loo jeediyay

Wat- saxaafadeed kasoo baxay hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee (NIRA), ayaa lagu beeniyay eedeymo la faafiyay oo ku aadanaa in degmooyin katirsan Puntland la raaciyay Galmusug.

“Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid Puntland.

Hay’adda NIRA ayaa caddaysay in foomka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban ka tirsan yihiin Galmudug uu yahay mid been-abuur ah, islamarkaana waxay xaqiijisay in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo degaanno ka tirsan Puntland lagu daray dhinaca Galmudug.

Related posts

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo War ka soo saaray rasaas ka dhacday agagaarka hoyga Shiikh Shariif

Caydiid Ali

Khayre “Ma ahan inaan ka fakarno 40-ka maalmood ee haray,waa  inaan ka fakarnaa 40-ka sano ee soo socda !

admin

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ahna Wasiirkii A/Dibedda Itoobiya oo iscasilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---