Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda, ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha cusub Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf.
Guddoomiyaha Midowga Afrika mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay bilowgii February 2025, ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ku yimid magaalada Muqdisho.
Inta uu joogo Muqdisho guddoomiyaha Midowga Afrika waxa uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.
Dowladda Soomaaliya ayaa qeyb weyn ku laheed guushii uu doorashada ka gaaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf oo u dhashay dalka Jabuuti, waxa uuna ka guuleestay labo musharax kale oo tartan la galay.