Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dad shacab ah oo ku dhaqan xaafad katirsan degmada Dayniile xalay mar kale qabteen nin dhallinyaro ah oo la shreegay in uu katirsanaa koxda Al Shabaab, kaa oo damacsanaa in bambaano tuuro.
Sida aan xogta ku helnay ninkan damacsanaa in bambaano ku tuuro goob askar iyo shacab ku sugnaayeen ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana ninkan jirdil xooggan u geestay qaar kamid ah dhallinyaradii xilligaasi gacanta ku dhigay.
Ciidamada ammaanka ee ka hoiwlgala degmada Dayniile ayaa markii dambe lagu wareejiyay ninkan la sheegay in uu katirsanaa Al Shaaab ee la qabtay, waxa ayna laamaha amaanka ninkan u wateen xarumahooda, iyagoo bataritaanno dheeraad ah ku sameenaya.
Dhowr habeen kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale shacabka degmada Dyaniile isna u qabteen nin dhallinyaro ah, kaa oo la sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab, ninkaad ayaana xilligaas la tilmaamay in uu isna damacsanaa in uu bambaano tuuro.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com