Dowladda Mareykanka , ayaa saddex sargaal oo sar sare oo katirsanaa kooxda Taalibaan ee ka talisa dalka Afganistan ka saartay liiska waxa loogu yeeray argagaxisada, waxaa sidoo kale meesha laga saaray lacago malaayiin dollar ah oo raggan horey loo dul dhigay madaxyadooda.
Wadahadallo dhax maray masuuliyiin katirsan dowladda Afganistan iyo dowladda Mareykanka , ayaa la isku afgartay in labada dhinac sameeyaan isku soo dhawaansho, waxa uuna Mareykanka aqbalay in xubno sar sare oo katirsanaa Taalibaan laga qaado xayiraada iyo doonistii loogu jiray.
Saddexda hoggaamiye ee Mareykanka liiska argagaxisada ka saaray ayaa kala ah:
1. Sirajuddin Haqqani , oo u dhalay hoggaamiyihii hore ee Taliban, xilligana ah hoggaamiye ku-xigeenka Taliban iyo wasiirka arrimaha gudaha dawladda Afgaanistaan oo Mareykanka uu ku raadinayay $10 milyan.
2. Waxaa kaloo liiska dadka la doondoonayo uu Mareykanka ka saaray Abdul Aziz Haqqani, oo la walaal ah Sirajuddin Haqqani, kana mid ah shabakada ururka Taliban ee Haqqani , oo isagana lagu raadinayay $5 milyan.
3. Qofka saddexaad ee Mareykanka uu ka saaray liiska dadka uu raadinayo, waa Yahya Haqqani oo isagana madaxiisa lagu raadinayay $5 milyan , wuxuu ka mid yahay shabakadda Haqqani ee ururka Taliban.
Dowladda Mareykanka go’aankan kasoo baxay ee xubnahan katirsanaa Taalibaan liiska argagaxisada looga qaaday , ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Taalibaan dhankoodaay sii daayeen nin u dhashay dalka Mareykanka oo kooxdaasi u xirnaa.
Wafdi ka socday dowladda Mareykanka , ayaa sidoo kale maalmo kahor tagay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganiyan, halkaas ay kula kulmeen masuuliyiin katirsan dowladda Afganistan ay kala hadleen sidii looga gudbi lahaa colaadii dalkaasi la degay loona sameyn lahaa waji cusub oo xiriir ah.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com