Wararka ka imaanaya magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, ayaa sheegaya in xalay halkaasi dil iyo dhaawac loogu geestay labo nin oo dhallinyaro ah, kaddib markii ay weerareen rasaasna ku fureen kooxo hubeysan oon wali heybtooda la aqoonsan.
Dabley hubeysan ayaa rasaas madaxa kaga dhuftay Mahad Abdi Mohammed oo 27 sano jir ah xilli uu ku sugnaa Xaafada Tottanham ee Waqooyga Magaalada London, waxaa sidoo kale isla dableydaasi dhaawaceen wiil kale oo Soomaali ah.
Ciidamada booliiska magaalada Lonfon , ayaa gaaray goobta dilka iyo dhaawaca loogu geestay wiilashadan Soomaaliyeed, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay wadaan baaritaanno ay ku ogaanayaan kuna soo qabanayaan dadkii ka dambeeyay dilkan magaalada ka dhacay.
Dalka Ingiriiska ayaa marar badan waxaa horey uga dhacay dilal loo geestay muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi kunoolaa, dilalka qaar ayaana horey loo diiwaangeliyay in dhallinayro Soomaaliyeed dhaxdooda isku geesteen , kuwaa oo la xariiriyay falal burcadnimo iyo gaangistirnimo la xariiray.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com