Maamulka Puntland, ayaa si adag uga jawaabay qoraal dhawaan kasoo baxay hay’adda dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha ee NIRA, taa oo degmooyin katirsan Puntland ku biirisay Galmudug.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifi-jabsade, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha ee NIRA ay degmooyinka Galdogob iyo Jariiban ee katirsan Puntland ugu dartay maamulka Galmudug.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in arrintan dowladda ku dhawaaqday uu yahay mid aad uga xun yihiin ayna cambaareenayaan, waxa uuna xusay in si ku talagal ah dowladda u sameysay arrintan ayna soo noq noqotay marar kala duwan.
“Go’aankii NIRA ee DFS ay ku tiri degmooyinka Jirriiban iyo Galdogob waxay katirsan yihiin Galmudug waan cambaaraynaynaa, arrinkaasna waxaa la rabaa dowladda Federalka ah inay ka waantawdu, waa arrin si kutalagal ah u soo laalaabatay”, Ayuu yiri guddoomiye Jifi-jabsade.
Guddoomiye Faysal Sheekh, ayaa sheegay in gobolka Mudug u qeybsan yahay labada maamulka ee Puntland iyo Galmudug, waxa uuna xusay in qolo kasta la aqoonsan yahay deegaannada ay maamusho, balse dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay soo laabtaan colaadihii laga soo gudbay.
“Deegaanka maamul walba intuu ka deggan yahay waa la yaqaanaa anaguna waa isku qanacsanahay labadayada maamulba laakiin DFS waxay doonaysaa inay dab nagu sii shiddo, waana inay ka waantawdo beenta ay dhoodhoobtay ee ay ku doonayso inay isugu dhufato dadka deggan gobolka Mudug, mudadii Madaxweyne Xasan Sheekh kursiga ka maqnaa dagaaladii waa ka nasanay”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.
Hadalkan kasoo yeeray maamulka Puntland, ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ka bilowday qaadashada kaarka aqoonsiga, iyadoona Puntland dadkeeda uga digtay in ay qaataan kaarkaasi.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com