Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal sukeeye oo ka qarxi kara Isra’il kaddib xil ka qaadistii Ronen Bar

Hoggaamiyayaasha mucaaradka Israa’iil ayaa billaabay inay ka digaan dagaal sokeeye oo ka dhici kara gudaha Israa’iil, kaddib markii Netanyahu uu si lama filaan ah xilka uga qaaday madaxii hay’adda amniga guud ee Israa’iil oo loogu yeero Shin Bet , Ronen Bar, balse xil ka qaadista waxaa diidday maxkamadda sare ee Israa’iil.

Netanyahu ayaa ku adkeysanaya inuusan sii shaqeyn karin ,Ronen Bar oo wax dagaal sokeeya ah uusan ka dhici karin gudaha Israa’iil, waxaa kaloo uu tilmaamay inuu daahqaadi doono xaqiiqooyin dadka ka yaabin doona oo uu ku lug leeyahay madaxa hay’adda amniga guud , Ronen Bar.

Dhinaca kale xubno hore oo ka tirsan sirdoonka iyo hay’adaha amniga Israa’iil ayaa dhankooda ku hanjabay inay bannaanka soo dhigi doonaan siro badan oo ku saabsan Netanyahu , haddii uu ku dhaqaaqo inuu soo bandhigo ceebaha , Ronen Bar .

Netanyahu ayaa la sheegay inuu xil ka qaadista sameeyay , kaddib markii uu oggaaday hay’adda Shin Bet, inay baaritaan gaar ah ku sameyn doonto oo ay ku jirto lacag uu horey dawladda Qatar uga helay Netanyahu , oo la baarayo ujeeddada lacagta iyo sida Netanyahu ay ku soo gaartay.

Ra’isul Wasaare Netanyahu ,ayaa sidoo kale la ogaaday in uu diyaarinayo sidii hay’adan oo ah midda ugu awoodda badan amniga Israa’iil madax uga dhigi lahaa shaqsiyaad taabacsan oo fulin kara qorshaha barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Qasa iyo burburinta xerada Jenin ee waqooyiga Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta la heysto.

W/Q Iman Jamac

Related posts

Sacuudiga oo dowlada Soomaaliya ka bixiyey $36 Milyan oo lagu yeeshay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Musiibadii ka dhacday magaalada Qardho

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo ka mahadcelisay xogo badan ay ka heleen Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---