Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad ku dhacday duleedka Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Diyaarad nuuceedu ahaa BUFALLO 5Y- RBA Cargo, ayaa galabta ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradan ayaa jihada ka luntay, waxa sidoo kale wararku sheegayaan in cillad ku timid diyaaradan oo nuuceedu ahaa kuwa qaada xamuulka kana timid degmada Dhoobley.

Diyaaradan dhacday, ayaa la sheegay in ay la socdeen afar qof oo ahaa shaqaalaha diyaarada , waxaana wararku sheegayaan in saddex kamid dadkii la socday diyaarada geeriyoodeen halka mid kalana uu soo gaaray dhaawac culus.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya , ayaa si deg deg ah u gaaray goobta diyaaradu ku dhacday, waxaana socda baaritaano ku aadan sababta keentay in diyaaradan soo dhacdo.

Related posts

(Sawirro) Sidee loogu soo baxay doorashadii ka dhacday dowlad degaanka Soomaalida?

Caydiid Ali

Ciidamada sugaya amniga Shirka beri oo la go’aamiyey iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Turkiga oo soo saaray xeer walaac ku abuuray Soomaalida dalkaas ku nool

Caydiid Ali
Taboola Ads ---