Allbanaadir.com
NEWS

Qax iyo jahwareer soo wajahay saraakiisha Al Shabaab ee Jilib jooga

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii dhowaan ay Ciidamada Qalabka Sida ka fuliyeen degmada Jilib ayaa sheegaya in jahwareer xooggan uu soo wajahay hoorjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee halkaasi ka soo maleegi jiray waxyeelada shacabka Soomaaliyeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in horjoogeyaasha Khawaarijta ay bilaabeen inay ka qaxaan magaalada, iyaga iyo qoysaskooda, isla markaana raadinaya goobo cusub oo ay ku dhuumaaleystaan.

Maleeshiyaadka kooxda ayaa iyaguna ku dayanaya horjoogeyaasha, iyagoo dhankooda ka bilaabay inay ka goostaan kooxda, una baxsadaan goobo ay doonayaan inay kaga badbaadaan weerarada joogtada ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay halkaasi ka bilaabeen.

Waxaa la rumeysan yahay in tiro horjoogeyaal ah iyo boqolaal Khawaarijta ka tirsan ay ku dhinteen weerarada Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen degmada Jilib, iyadoo boqolaal kale oo dhaawaca Khawaarijtana ay ku dayacan yihiin magaaladaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa maleeshiyaadka Khawaarijta in fursadda keliya oo ay haystaan ay tahay inay isku soo dhiibaan dowladda, isla markaana ay ku tusaale qaataan dayaca dhalinyarada la soo marin habaabiyey ku qabsadey Jilib, oo boqolaal ay naftooda ku waayeen, kuwo intaas ka badanna ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa in Degmada Jilib iyo dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta ay yihiin bartilmaameed milateri oo waqti kasta weeraro lala beegsan karo, waxaana shacabka laga codsanayaa inay ka fogaadaan goobaha ay Khawaarijtu joogaan.

Waxaa sidoo kale shacabka la farayaa inay laamaha dowladda ku soo wargeliyaan firxadka horjoogeyaasha Khawaarijta iyo maleeshiyaadkooda firxadka ee soo gaaraya degaannadooda, si looga hortago in waxyeelo shacabka soo gaarto, marka ay Ciidamada Qalabka Sida beegsanayaan horjoogeyaasha baxsadka ah.

Related posts

Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiin la socotay oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garawe

Cabdi Cade

Dowlad deegaanka Soomaalida oo xilkii ka xayuubiyey masuul ka hadlay arrin xasaasi ah

Caydiid Ali

Gaadiid Shidaal iyo agabyo kale u waday Al Shabaab oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---