Allbanaadir.com
NEWS

Fahad Yaasiin oo baaq Xasaasi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Taliyihii hore ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay dedaalada iyo abaabulka dagaal uu furumaha hore ka wado Madaxweyne Xasan Sheekh.

Fahad Yaasiin ayaa bogaadiyay dadaalka iyo garab galka joogtada ah ee uu siinayao labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug, isagoo furimaha dagaalka naftiisa gaynaya”

Taliyihii hore ee NISA , ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in sida uu u tagay furumaha dagaalka ee Galmudug iyo Hirshabelle in uu u tago furumaha kale ee deegaannada maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland.

“Waxaanse Madaxweynaha xusuusinayaa, xilka loo dhaariyey wuxuu farayaa inuu garab iyo gaashaan u noqdo dalka oo idil. Sidaas awgeed, waxaan u soo jeedinayaa inuu usoo jeesta dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxa kale intaas ku daray Fahad Yaasiin “Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah”

Ugu dambeyn Fahad Yaasiin, ayaa sidoo kale sheegay in aysan sax aheyn in qorshaha dagaalka lagu soo koobo muddo saddex sano ah deegaannada hoostaga maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

 

Related posts

Masuuliyiin Katirsan Dowlada iyo xubno kale oo Xukuno adag lagu riday (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo qaaday talaabo ka farxisay ajaaniibta ka xoogsada dalkaas

Caydiid Ali

Ninka iyo Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay Mareykanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---